SAWIRRO & MUUQAAL: ”Iga ballanqaad inaadan abid gabadhayda u gacan qaadi doonin” – Meghan aabeheed oo ka hadlay sababtii uu uga maqnaa arooska gabadhiisa iyo….

0

(Rosarito, Baja California) 18 Juun 2018 – Thomas Markle oo ah aabaha dhalay Amiiradda Meghan Markle oo uu dhowaantan guursadey amiirka boqortooyada Britain ee Prince Harry ayaa markii ugu horreeysey ka hadlay sababta uu uga maqnaa arooska gabadhiisa iyo arrimo kale sida inuu Prince Harry ku qarsaday inuu taageersan yahay Brexit iyo Trump, taasoo ka hor imanaysa xeerka boqortooyada oo dhigaya inay siyaasadda dhexdhexaad ka ahaadaan. Halkan ka DAAWO…

73-jirkan ayaa ka sheekeeyay inuu arooska gabadhiisa uga maqnaaday sabab caafimaad, kaddib markii uu galay qalliin deg deg ah oo dhanka wadnaha ah, isagoo sheegay inuu fadhiga ka ilmaynayay markii ay socotey xafladdii arooska gabadhiisa ee ka dhacday Windsor, isagoo ku daray inuu raalli gelin bixinayo.

Odaygan ayaan weli la kulmin wiilka uu sodogga u yahay oo uu sheegay inuu gabadhiisa telefoonka ku waydiistey bishii Diseembar ee sanadkii hore wuxuuna ugu jawaabey: ‘Waxaad tahay nin akhyaar ah, ii ballan qaad inaadan marna gabadhayda u gacan qaadi doonin, dabcanna waan ku siinayaa’. ayuu ku yiri barnaamijka Good Morning Britain e Piers Morgan

Thomas Markle oo dhalay 3 carruur ah ayaa sheegay inuu haatan diyaar u yahay inuu London tago kaddib qalliinkiisa oo guulaystey, wuxuuna qorshaynayaa inuu qasriga wayn ee Buckingham Palace kula kulmo ”qoyska cusub ee kusoo biiray reer boqor” iyo xitaa Boqoradda Ingiriiska ee Queen Ellisabeth Labaad.

Sida la xusuusan yahay Doria Ragland, oo ah hooyada Meghan dhashay ayaa ahayd qofka qura ee ka socdey qoyska caruurada iyadoo meel cidlo ah kaligeed fadhidey markii uu aroosku socdey.


Hadalsame Media