DEG DEG: Somalia oo goor dhow Hague u gudbinaysa dacwaddii laga sugayay

0

(Hague) 18 Juun 2018 – Waxaa haatan ku sugan gudaha Maxkamadda Calaamiga ee Garsoorka (ICJ) ee magaalada Hague ergada mataleysa Soomaaliya si ay u gudbiyaan jawaabta gal dacwadeedka muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya.

 

Galkan waxaa Maxkamadda lagu wareejinayaa maanta saacadda Bariga Afrika marka ay ku beegantahay 4:30PM ama 3:30PM xilliga Netherlands.

Ergadan waxaa hoggaaminaya Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka Dr. Axmed Cali Daahir, waxaana qeyb ka ah qareenno ay garwadeen ka tahay Dr. Muna Al Sharman iyo Danjiraha Soomaaliya ee Midowga Yurub Dr. Cali Saciid Fiqi.

Hadalsame Media