Calanka Somalia oo ka qayb gelaya Koobka Adduunka 2018 + Sawirro

0

(Sochi) 18 Juun 2018 – Nasro Kiin Xaashi Nuurre waa gabar weriye ah oo jaamacad ka dhigata iyadoo ka tirsan Jaamacada Vorenezh State University.

Yeelkeede, waxay ku dadaashey hal arrin oo muhim ah, taas oo ah inuu calanka Somalia ka dhex muuqdo KA2018 oo haatan si habsami leh uga soconaya dalkaasi Ruushka.

Tusaale ahaan, Nasro waxay shalaytoole kasoo safartay Vorenezh iyadoo tagtay magaalada Rostov oo ay uga qayb gashay ciyaartii Brazil iyo Switzerland oo 1-1 ku dhamaatay, isla galabtana waxay joogtey magaalada Sochi halkaasoo ay ku daawatay ciyaartii Bilgium iyo Panama oo 3-0 ay Belgium-ku ku badiyeen ku dhamaatay.

Hadalsame Media