DARAASAD: Dhallinyarada casrigan oo la sheegay inay soo caqli yareeynayaan!

0
(Oslo) 14 Juun 2018 – Daraasad cusub, oo ay daabaceen saynisyahanno Norwegian ah, ayaa muujinaysa in tayada caqliga da’yarta maantu ay hoos usii dhacayso, taasoo soo afjareeysa sara kicii ka muuqday heerka caqliga kaddib dhamaadkii Dagaalkii 2-aad.

Kaddib dhamaadkii Dagaalkii 2-aad ee dunida ayaa la sheegay in dhallinyaradu ay caqli ahaan kobceen sida ka muuqatay daraasad uu sameeyay cilmi baare New Zealander ahaa oo la oran jirey James Flynn, waxaana IQ-da da’yarta ku kordhaysay 3 dhibcood 10-kii sanaba.

Yeelkeede, daraasad ay iminka samaysay Ragnar Frisch Centre for Economic Research oo ku taalla Oslo ayaa sheegaysa in uu iminka dhamaaday kororkii Flynn. Qoraal ay ku daabaceen PNAS Journal, saynisyahannadan Norwegian-ka ah ee Ole Rogeberg iyo Bernt Bratsberg ayaa falanqeeyay xog ay ka ururiyeen tijaabooyin dhanka IQ-ga ah oo ay ka qaybgaleen 730,000 nin, oo dhashay inta u dhaxaysa 1962 iyo 1991, oo tijaabada IQ-ga weliba lagu waajibiyay si ay uga qayb galaan waajibaadka qaran.

Waxaa tijaabadan kasoo baxday in dhallinta dhalatay 1991-kii ay 5 dhibcood ka hooseeyaan kuwa dhashay 1975-kii, waxayna arrintaa u sababeeyeen qaabka carruurta haatan loo koriyo oo isbedeshey.

Tusaale ahaan, in badan lama jarribo dhallinta maanta, iyadoo aan aad loogu dadaalin maaddooyinka dhibka badan sida xisaabta, sayniska iyo luuqadaha, sidoo kalena ay aad u korortay muddada ay carruurtu daawanayaan TV ama ciyaarayaan ciyaar gacmeed (Video game).

Dr Ole Rogeberg ayaase hoosta ka xarriiqay in hoos u dhaca IQ-ga aan loo turjumanin axmaqnimo, balse loo arko dhallinyaradii oo la qabsanaysa xaqiiqooyin cusub ee dhanka nolosha ah sida teknolojiyada dhijitaalka ah.

Waxaa kale oo ay daraasaddani meesha ka saartay in arrintan loo aanayn karo dhalan doorsoon dhanka hide-sidka ah, waayo waxay daraasadeeyeen qoysas dhan balse ma arag astaamo muujinaya arrintann.

 

Hadalsame Media