Akhri warqad qarsoodi ah oo uusan Albert Einstein jeclayn inaad akhriso!

0
(New York) 14 Juun 2018 – Sumcadda saynisyahankii caanka ahaa ee Albert Einstein ayaa daxal yeelatay kaddib markii xusuus qor dhowaan lasoo saaray waxaa ka muuqata aragti cunsuriyadeed ee uu ninkaasi ka haystey dadka kale, gaar ahaan Chinese-ka.

Xusuus qorkan oo ay daabacday majaladda Princeton University Press, waxaa la qoray 1920-meeyadii, goortaas oo ku beegan mar uu saynisyahankan Jarmanka ihi uu la safrayay xaaskiisii Elsa, iyagoo 1922kii soo maray min Singapore, China, Japan, muddo gaabanna joogey Falastiin, kahor intaanay u baqoolin Spain.

Qoraalkan, oo sida muuqata aanu Einstein, oo ahaa aabihii laanka cilmiga Fiisikis-ka ee Theoretical physics, ugu tala gelin in la shaaciyo ayuu kaga hadlay fanka, cilmiga sayniska, falsafadda iyo tayada sinjiga, isagoo sheegay in sinjiyada qaar ay ka hooseeyaan kuwa kale. Tusaale ahaan dadka Chinese-ka ayuu ku sheegay kuwo ”madax adag, wasakh ah, balse howlkar ah iyo dal dhan oo sidii ido oo kale ah” ”Halis baa dhacaysa haddii ay Chinese-kani bedelaan sinjiyada kale,” ayuu qoray.

Waloow uu warkani soo baxay, misna Einstein wuxuu bulsho ahaan ahaa nin muujin jirey inuu neceb yahay cunsuriyadda, oo dadka ku dhaqma ku dhaliili jirey anshax xumo.

 

Ninkan oo ah Yuhuudi ku dhashay Germany ayaa aad u dhaliilay soo bixitaankii xisbigii cunsuriga ahaa ee Naziga ee Hitler, Einstein ayaa soo bixitaanka ururkaasi ku sheegay “cudur ku dhacay dadka caddaanka ah.”

Sanaddii 1946-kii, isagoo ka khudbaynayay jaamacaddii Lincoln University ee gobolka Pennsylvania, isla markaana ka digayay dhibaatada cunsuriyadda wuxuu sheegay in “maaddaama uu laftiisu Yuhuudi yahay” inuu “fahmi karo lana tacadufayo oo u beer jilcayo dadka madowga ah oo ah dhibanayaal cunsuriyadeed”.

Hadalsame Media