AC Milan oo lala xiriirinayo maalqabeenno u dhashay Maraykan, Carab & Malaysian

0

(Milano) 14 Juun 2018 – Yonghong Li ayaa lagu warramayaa inuu wada xaajood kula jiro maalqabeenno badan oo doonaya inay Milan maalgashadaan, waxaana dhici karta inuu mar aan dheerayn iibiya saamiga aqlabiga ah ee kooxda.

Sida uu qorayo Il Sole 24 Ore, qorshuhu wuxuu is bedeley markii ay UEFA Milan u diiddey heshiiska xeer jajabka ah ee dhaqaale wanaagga Financial Fair Play, iyadoo uu awalna Mr Li sugayay daynka Elliott Management oo laga doonayo Oktoobar, sidaa darteed ujeedku haatan waa in la helaa nin kooxda la yeesha oo bixiya lacago kooxda lagu maalgeliyo.

Yonghong Li ayaa marka hore ninkaa ka iibinaya saami ka yar 50%, balse marka dambe isaga ayaa la wareegaya saamiga ugu badan kooxda, si la mid ah sida uu Erick Thohir ka yahay Inter, waloow uu haysan doono suuqa Shiinaha ee Milan China.

Il Sole 24 Ore ayaa sheegaya in haatan ay socdaan wada hadallo ay Milan mar qura kula xaajoonayso dhowr maalqabeen oo iskugu jira Maraykan, Carab iyo Malaysian, iyadoo ninka Malaysian-ka ihi uu yahay ganacsade ku nool Singapore, waxaana lagu wadaa in qofka cusub lagu dhawaaqo isla daba yaaqada bishan.

 

Hadalsame Media