Milan oo heleeysa maalgelin cusub oo Malaysian ah?

0

(Milano) 13 Juun 2018 – Ganacsade Malaysian ah ayaa lasoo werinayaa inuu maalgashanayo kooxda AC Milan, heshiis uu u kala dab qaadayo wakiilka wayn ee Jorge Mendes.

Sida uu baahinayo Sky Sport Italia, maalgashadan saamiga ka iibsanaya kooxda uu milkiyadeeda leeyahay Li Yonghong waa Malaysian deggan Singapore.

Waxaa intaa dheer, inuu hoggaaminayo dallad Asian ah oo doonaysa inay Milan maalgeliso, iyadoo haddii heshiiskani hirgalo, ay Mr Li ka caawin karto bixinta €32m oo lagu kordhinayo raasumaalka kooxda iyo €303m oo ay ku leedahay Elliott Management.

 

Hadalsame Media