Naqshadda Puma ee funaanadda cusub ee AC Milan oo la helay + Sawirro

0

(Milano) 12 Juun 2018 – Kooxda AC Milan ayaa qandaraas cusub la gashay sharikadda reer Jarman ee Puma iyadoo 20 sano kaddib ka xarig furatay Adidas oo isla dalkaas laga leeyahay wixii ka bilowda fasalka soo aaddan ee 2018-19.

Haddaba, qandaraaska cusub ee Milan iyo Puma ayaan weli dhaqan gelin, iyadoo ay taasi dhici doonto 1-da Luulyo,, waana sababta keentay in Milan aysan ciyaarta ugu dambaysay fasalka aysan ku ciyaarin naqshadaa cusub maaddaama uusan dhamaanin qandaraaskii Adidas oo ku eg dhamaadka bishan Juun.

Yeelkeede, waxaa soo baxay nooca ay u ekaan doonto naqshadda funaanadda Milan oo ah funaanad kulleeti leh oo iskugu jirta midda 1-aad, 2-aad iyo 3-aad, taasoo ay xitaa ku jirto kor gashiga ay xiranayaan xilliyada is kululaynta ee hoos ka eeg.

Hadalsame Media