DAAWO: Maxaad ka taqaannaa ”Ilaalada Ordaysa” ee Kim Jong-un & shuruudaha yaabka leh ee lagu xusho (Qaybtii 2-aad)

0

(Singapore) 12 Juun 2018 – Dunidu waxay markale indhaha ka qaadday ilaalada ordaysa ee Jong-un oo la arkayay iyagoo daba ruclaynaya kolonyadiisa oo timi Singapore. Haddaba aannu ambaqaadno qaybta 2-aad.

Ugu dambayn, qofka loo qaadanayo inuu madaxwaynaha ilaaliyo waxaa lagu sameeynayaa baaritaanno daba iyo dacal ah oo dib loogu raacayo laba jiil isaga iyo qoyskiisa, tiiyoo weliba qaar badan oo ka tirsan ilaalada raca 1-aad ay ka tirsan yihiin qoyska Mr Kim iyo kuwa qoysaska kale ee madaxda iyo horseedka dalkaasi.

Markii mabda’iyan loo aqbalo inay noqon karaan ilaalada madaxwaynaha (oo aan ahayn dalab uu qofku diidi karo), waxaa loo bilaabayaa tababarro aan caadi ahayn oo gaar ah, iyadoo loo diyaarinayo qaab la mid ah sida komaandooska ama ciidamada gaarka ah ee howlgallada fuliya ee KPA.

Taa waxaa ka mid ah tababar la xiriira sida qoryaha loo adeegsado, sida yadda soo socota loogu gooyo iyo waxyaabo badan oo ka tirsan difaacu nafsiga, waxaa sidoo kale lagu jarribayaa inay adkaysi jireed oo xeel dheer u yeeshaan waxyaabo badan iyo in ay sameeyaan layliyo jireed oo adag.

Ilaalada ordaysa ayaa caadiyan meegaar 360 digrii ah ku sameeya hareeraha gaariga socda ee Mr Kim, waxayna sidoo kale 360 xaglood ka eegayaan meelaha iyo dadyoowga u dhow halka uu gaarigu socdo, kuwaasoo uu ku jiro taliyaha ilaalada Raca 1-aad. Waxaa sidoo kale jirta ilaa 5 kale oo kasii horreeysa.

La soco qaybta 3-aad…

Hadalsame Media