10 qof oo ku dhimatay Gobolka Shabeeladda Hoose. (Maxay tahay sababtu..?)

0

(Muqdisho) 12 Juun 2018 – 10 ruux ayaa inta la xaqiiyey ku dhimatay kadib markii doon ay la socdeen dadkaasi ku qalibantay Webiga Shabelle gaar ahaan qeybtiisa gobolka Shabeelada Hoose.

Dadka goobjoog ah ayaa dhacdadaan u xaqiijiyey Warsidaha Hadalsame Media maanta oo Tallaado.

Dadka dhintay ayaa la sheegay inay ku sii jeedeen qeybo kale oo ka tirsan isla gobolkaas, waxaana doonta saarnaa sidoo kale badeecooyin kala duwan.

Deegaanka Raqeyle oo shilkaani uu ka dhacay ayaa wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in loo gurmaday dadkii waxyeeladdu soo gaartay islamarkaana la qaaday kuwii dhintay. Waxaa ka mid ah dadka dhintay Hooyo iyo afar carruur ah oo ay dhashay.

Waxaa dhacdadaani ay noqoneysaa tii ugu horeysay oo nuucada ah oo ka dhacda gobolka gobolka Shabeeladda Hoose.

Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay Maamulka gobolka oo ku aadan shilkaan naxdinta leh.

Hadalsame Media