XANTA SUUQA & XIDIGAHA LA RABO: Wararkii ugu dambeeyay suuqa kala iibsiga iyo wargaysyada!

0

(Hadalsame) 10 Juun 2018 – Waxaa furan suuq-xagaaga kala iibsiga ciyaartooyda ee 2018 waloow uusan weli kululaanin sababo ay ka mid tahay kooxaha oo wada dhowraya xiddigaha lagu baran doono KA2018 oo todobaadka soo aadan ka furmaya dalka Ruushka dartii.

Haddaba, waxaannu idiin haynaa wararkii ugu dambeeyay ee suuqa kala iibsiga iyo xiddigaha lala xiriirinayo kooxaha kala geddisan ee Yurub:

Liverpool ayaa dalab ku kacaya £15m ku raadinaysa 26-jirka u safta kooxda Burnley iyo xulka England ee Nick Pope. (Sun on Sunday)

Kooxda Real Madrid ayaa 150 milyan ku raadinaysa laacibka khadka dhexe ee Milinkovic Savic oo ay sidoo kale horay u raadinaysay kooxda Juventus. (Calciomercato)

Kooxda Juve ayaa la sheegayaa inay qandaraas cusub usoo jeedinayso laacibka Miralem Pjanic oo ay doonayso inay ku ag dhisto kooxda cusub kaddib kala guurka yar ee ay gashay.

Real Madrid ayaa qannaaska Cristiano Ronaldo u bandhigtay qandaraas cusub oo ku kacaya £28.5m sanadkii, balse waxaa la sheegayaa inuu xitaa middaa saluugsan yahay 33-jirkan reer Portugal. (Cadena COPE, via Sunday Express)

Arsenal ayaa u diyaara in ay soo qaadato laacibka khadka dhexe ee Sampdoria ee 22-jirka ah ee kubadda u raaca xulka Uruguay ee Lucas Torreira. (Calciomercato Sampdoria, via Star on Sunday)

Inter Milan ayaa doonaysa weeraryahanka 20-jirka ah ee reer Argentine ee Nicolas Gonzalez.

Manchester City ayaa dareenkeeda u weecinaysa laacibka khadka dhexe ee Nice iyo Ivory Coast ee Jean Michael Seri, 26, jeer ay Napoli diiddan tahay inay £60m oo gini ku fasaxdo 26-jirka xulka Talyaaniga ee Jorginho. (Sunday Mirror)

Tuttosport ayaa werinaya in Juventus ay karaarinayso qorshe ay ku doonayso inay Valencia ugasoo qaadato Joao Cancelo iyadoo bedelkiisa siinaysa laacibka Marko Pjaca.

Manchester United ayaa lala xiriirinayaa laacibka khadka dhexe ee Lazio ee Sergej Milinkovic-Savic balse 23-jirkan reer Serbia ayaa sheegay inuu aayihiisa go’aan ka gaari doono kaddib KA2018. (Mail on Sunday)

Agaasimaha Isboortiga AC Milan ee Massimiliano Mirabelli, ayaa sida uu werinayo la Gazzetta dello Sport u diyaar ah inuu u duulo Ruushka, oo uu ka bilaabmi doono KA2018, wuxuuna isagoo uu wehliyo macallinka Milan ee Gennaro Gattuso, uu halkaa ku daawan doonaa ciyaarta 14 Juun dhexmaraysa Ruushka iyo Sucuudigu, ujeedka labadan nin ayaa ah inay daawadaan bandhigga ugu wayn kubadda cagta si ay uga helaan laacibiin anfacaysa kooxda Milan.

Laacibka kooxda Manchester United iyo France ee Paul Pogba, 25, ayaa waxaa inuu kooxdaa inuu ka tago uga digey mid ka mid ah taageerayaasha ugu caansan kooxdaasi oo ah orodyahanka reer Jamaica ee Usain Bolt. (Manchester Evening News)

Qannaaska Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa la sheegayaa inay boorsadiisu u xirxiran tahay waloow uusan weli helin koox dalab rasmi ah usoo bandhigtay.

Waxaa Diyaariyay: Maxamed Xaaji

Hadalsame Media