Tala xumada Trump oo Midowga Yurub usii riixaysa dhanka Shiinaha & Ruushka

0
(Washington) 10 Juun 2018 – Madaxwaynaha Maraykanka ee Donald Trump ayaa tariifo kusoo rogey birta aastada ah ee ka timaadda Canada, Mexico iyo Midowga Yurub, taasoo la sheegay inay ku khasbi doonto inay u janjeersadaan dhanka Shiinaha iyo Ruushka sida uu qabo Prof Carl F, Fey oo ka tirsan jaamacadda Aalto University.

“Ficillada Maraykanku waxay MY ku khasbi doonaan inay xoojiyaan xiriirrada ay la leeyihiin dalalka kale sida Rushka iyo Shiinaha, in deris isu dhow la yahay sidoo kale waa faa’iido,” ayuu u sheegay RT isagoo raaciyay inay sidoo kale khasbi doonto inay cunaqabataynta ka qaadaan Ruushka.


Fey ayaa farta ku godaya in Maraykanka oo taariikhiyan ah dal horseed u ahaa ganacsiga xorta ah uu haatan u muuqdo mid kasoo horjeeda “Tariifooyinka uu Maraykanku kusoo rogey Midowga Yurub iyo Canada ma aha habka ku habboon in lagula dhaqmo dalal aad xulufo tihiin,” ayuu yiri Fey oo sheegay in Yurub iyo dalalka kale ay qaadi doonaan tillaabooyin aarsi ah taasina aanay cidna u roonayn.

Hadalsame Media