WEJIGIIN GUBAY!: Juxaa oo siyaasiyiin ka kala tirsan Somaliland & Puntland ku dhaliilay inay ‘af-xumo’ ku baratamayaan, amaanna u jeediyay….!

0

(Muqdisho) 10 Juun 2018 – Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Soomaaliya Md Cabdi Faarax Juxaa ayaa aad u cambaareeyay siyaasiyiin uu sheegay inay ku ceeboobeen dadka hortooda, gaar ahaan, wararkii beryihii dambe kasoo yeerayay siyaasiyiinta qaar oo aad usii buunbuuniyay colaadda ka jirta Tukaraq, isagoo dhanka kale u mahad celiyay Jaamacadda Camuud iyo reer Boorama.

Wasiir Juxa ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray sidatan: “Tartan af-xumo, Faysal Ali Waraabe iyo Abdullahi Quran-jecel oo u kala hadlay Hargaisa iyo Garowe xagga af-xumada waa isku ag kufeen. Wejigiin gubay labadiinnaba! (Shame on you both).

Waxaan leenahay ha goynina xargaha iyo dunta dadka isu haya oo dhan. Wax walba siyaasad maaha. Berri ayaa jirta ee aashiin.

Hambalyo iyo bogaadin reer Borama iyo Jaamacadda Camuud oo kaalin nadiif ah qaatay.”

 

Hadalsame Media