GUUX DADWAYNE: Fal-celinta baraha bulshada ee jidadka xiran ee Xamar (Maxay dadwaynuhu leeyihiin?)

0

(Muqdisho) 10 Juun 2018 – Hay’adaha amaanka ee magaalada Muqdisho ayaa xirey jidad badan oo halbowle u ahaa isu socodka dadka iyo gaadiidka, arrintaas oo dhibaatooyin badan u gaysatey amaanka.

Hay’adaha amaanka ayaa ujeedkooda jireed yahay inay amaanka sugaan, balse shacabka Muqdisho ayaa saluug ka muujiyay arrintaas, qaarkood ayaa ku doodaya in aanu amaan ku imanaynin jid la xiro, halka qaar kale ay sheegeen in uun jidka laga xiro danyarta.

Qaar kale ayaa soo dhoweeyay xiritaanka jidadka, iyagoo sheegay tiiyoo ay dhib badan tahay in jidadka la xiro ay misna laba daran mid dooranayaan oo ay ogol yihiin wax kasta oo lagu hubin badbaadada iyo amaanka shacabka.

Qaar badan ayaa sidoo kale kalsooni darro ka muujinaya hay’adaha amaanka oo ay sheegeen inaysan daacad ka ahayn sugidda amaanka, waloow taas ay shacabka laftoodu dhaliil wayn ku yeelan karaan.

Hal arrin baase inta badan la isku wada raacsan yahay; waana inaysan jirin kalsooni iyo wada shaqayn buuran oo ilaa haatan laga dhex abuuray dadwaynaha iyo dowladda marka ay timaaddo sida ugu wax ku oolsan ee amaanka loo sugi karo.

Madaxwaynaha Somalia Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta ku baaqay in la furo jidadka xiran, haddaba hoos ka eeg afkaaraha dadwaynaha uu kasoo ururiyay warsidaha Hadalsame.

Hadalsame Media