Ganacsadaha Imaaraatiga ah ee Saeed Al-Falasi oo lala xiriirinayo AC Milan (Maldini oo door ku yeelanaya maamulka)

0

(Milano) 09 Juun 2018 – Saeed Al-Falasi ayaa markale lala xiriirinayaa kooxda AC Milan, iyadoo markan la sheegayo inuu iibsado saami dhan 30 boqolkiiba si uu u caawiyo milkiilaha cadaadisku haysto ee Yonghong Li.

Sida ku dhigan Oracolo Rossonero, qofka iibsanaya saamigan 30 boqolkiiba ah waa milkiilaha kambaniga International Triangle Group, waxaana horay loo hadal hayay inuu doonayo inuu wada iibsado AC Milan bishii Maarso sida uu qoray La Gazzetta dello Sport, waxaase diidey Yonghong Li.

Haatan, kaddib markii ay UEFA diiddey heshiiskii xeer-jajabka ahaa iyadoo Milan lagu eedaynayo inay jebisey xeerka dhaqaale wanaagga Financial Fair Play looguna hanjabey in Milan laga eryayo Europa League, xaalku waa is bedeley.

Yonghong Li ayaa haysta ilaa Oktoobat inuu ku bixiyo qaan dhan €380m – oo uu dulsaar la socdo – taasoo uu qabo Elliott Management ama waxaa lagala wareegayaa milkiyadda kooxda, intaa oo qura maahee waa inuu bixiyaa €32m oo biilasha kooxda ah ka hor dhamaadka Juun.

Sidaa darteed, waxaa la sheegayaa inuu diyaar u yahay inuu saami ka iibiyo Al-Falasi oo la sheegayo inuu durba la xiriirey Paolo Maldini oo uu waydiistey inuu noqdo Agaasimaha Isboortiga ee Milan marka uu kusoo biiro milkiyadda kooxda.

Al-Falasi ayaa la sheegay inuu Maldini u maray saaxiibkii Riccardo Silva oo ay wada leeyihiin kooxda ka dheesha NAFL ee Miami FC.

Hadalsame Media