DEG DEG: Kooxda Lyon oo bayaan ka soo saartay wadahalladii Liverpool ee Nabil Fekir – Miyuu Fekir ku biirayaa Reds? + Sawirro

0

(Lyon) 09 Juun 2018 – Kooxda kubadda cagta Lyon ayaa ku dhawaaqday inay soo gabagabaysay wada-xaajoodkii ay kula jirtay Liverpool oo ku aadanaa iibka Nabil Fekir, weeraryahanka ayaana sii joogi doona kooxda reer France.

24-sano jirkaan ayaa loo badinayey inuu ku biirayo Reds, iyadoo warkiisu uu haystay todobaadkan Saxaafadda isboortiga oo idil, waxaana soo baxay in xitaa uu Fekir tijaabada caafimaad u maray kooxda ka dhisan horyaalka Premier League.

Isagoo galabta oo Sabti ah la hadlayey Warbaahinta, Madaxweynaha xiriirka kubadda cagta Faransiiska Noel Le Graet ayey u muuqatay inuu xajiiyey in heshiiska uu Fekir ugu biirayo Liverpool uu gabagabo yahay, waxaana uu sheegay in ciyaaryahanku uu ka gudbay tijaabadii caafimaad oo uu Liverpool ugu maray xarunta kubadda cagta ee xulka qaranka Faransiiska.

Heshiiska uu Liverpool ugu biiri lahaa Fekir ayaa la warinayey inuu yahay 60 milyan oo gini, yeelkeede kooxda Lyon ayaa go’aansatay inay daqiiqadii ugu dambeysay soo gabagabayso sheekadaas kaddib markii la soo wariyay in Liverpool ay isku dayday inay hoos u dhigto lacagta lagu heshiiyay.

“Olympique Lyonnais waxa ay xaqiijinaysaa in wada-xaajoodkii noo dhexeeyey Liverpool oo ku aaddanaa iibka Nabil Fekir uusan guuleysan, Kabtanka Lyon waa uu sii joogi doonaa, kooxda Olympique Lyonnais waxa ay go’aansatay inay joojiso wada-xaajoodyadan 20:00 [CET] caawa Sabti ah.” ayuu u dhignaa mayaan ay soo saartay kooxda Faransiiska.

“Inkastoo Liverpool ay mudnaanta koowaad ee suuqa siineyso Nabil, islamarkaana ay Nabil iyo Olympique Lyonnais xiiso ka helayaan kooxo waa-weyn, Olympique Lyonnais ayaa ku faraxsan inay awoodaan inay ku xisaabtamaan joogitaanka kabtankooda, kaasoo hormuud u noqon doona naadiga xilli ciyaareedka 2018/19 marka kooxdu ka ciyaari doonto Champions League.”

Fekir, kaasoo noqon lahaa saxiixii labaad ee ugu qaalisanaa kooxda Merseyside-ka kaddib Virgil van Dijk ayaa haatan isku diyaarinaya Koobka Adduunka, waxaana uu ka mid yahay 23-ka xiddig ee xulka qaranka Faransiisku uu u soo xushay dhacdadaas.

Hadalsame Media