”Reer Galbeedku nabad waxay u yaqaannaan wixii dantoodu ku jirto, qofkii diidana waa dagaal” – Andre Vltchek (Qaybtii 3-aad)

0

(Bariga Dhexe) 07 Juun 2018Kasoo qayb galayaasha shirarkan ”nabadeed” waxay isku raacsan yihiin kaliya halkudhegyada “Nabadi waa fiican tahay”, iyo “dagaal waa xun yahay”. Waxaana intaa u raacda sacab loola istaago hadalladaasi iyo dhabarka oo la iska dhirbaaxo. Qaar baa xitaa illin iska keena.

Marka ay timaaddo warka saaran faruuryaha reer Galbeedka, waxa kaliya ee aad maqlaysaa waa ‘nabad, nabad, ‘horta nabadi nabad ma tahay, dagaal se dagaal ma yahay’?

Dadka ku nool ‘Galbeedka xorta ah ee dimoqraadiga ah se’, ma loo ogol yahay inay su’aalahaa waydiiyaan? Mise aragtida nabadda ku dhisani waa uun xeer la sameeyay oo lama taabtaan ah, kaasoo ay ‘dusha ka ilaalinayaan’ dhaqanka iyo xeerarka reer Galbeedku?

Su’aalahan oo kale waxay u muuqanayaan kuwo ‘waalan’ oo ‘sharci darro’ ah haddii uu qof waydiiyana wuxuu la kulmi karaa dhibaato ama xitaa xabsi. Todobaadyo yar kahor waxaan si toos ah ugu khudbeeynayay dhallinyaro Kenyan ah oo ka tirsan xisbiga bidixda ah ee Bariga Afrika oo aan kula kulmay safaaradda Venezuela ee Nairobi, Kenya. Runtii caro ayay la holcayeen, waana dad diyaar ah oo go’aan gaarey.

La soco qaybta 4-aad…

Waxaa Qoray; Andre Vltchek oo ah qoraa, film curiye iyo weriye dabagal sameeya oo Maraykan ah.

Waxaa Tarjumey: Maxamed Xaaji

”Annaga waxani tababar bay noo yihiin” – Askar Maraykan ah iyo bukaan Haitian ah

Hadalsame Media