Real Madrid oo Ronaldo runta u sheegtay! (Maxaa ka cusub?)

0
Soccer Football - La Liga Santander - Real Madrid vs Las Palmas - Santiago Bernabeu, Madrid, Spain - November 5, 2017 Real Madrid’s Cristiano Ronaldo reacts REUTERS/Sergio Perez

(Madrid) 07 Juun 2018 – Jookarka Cristiano Ronaldo ayay Real Madrid dhegihiisa ku dhibcisay inaysan qandaraaska u kordhin doonin xagaagan, taasoo ka dhigan in mustaqbalkiisu uu gacmihiisa ku jiro.

Ronaldo ayaa rumaysan in qandaraas cusayb loo ballan qaaday xagaagii tegey, balse markii bilowgii sanadkan loosoo bandhigay qandaraas ku xiran bandhiggiisa oo uu bareemiyo dheeraad ah ku heli lahaa gaashaanka ayuu u daruuray.

Wakiilkiisa ayaa todobaadkan la fariistay maamulka kooxda Madrid waxaana loo sheegay in naadigan Spanish-ka ihi aanu diyaar u ahayn inuu bixiyo qandaraas lagula tartamayo  Lionel Messi iyo Neymar kaasoo uu laacibkan uu laacibkan sacabaystay Balon d’Or qabo inuu u qalmo.

Ronaldo ayaa sidaa darteed u muuqda mid ay gabaabsi sii noqonayaan waayihiisii kooxda wayn ee Real Madrid oo dareensan inuu hoos u dhac bilaabay bandhigga laacibka oo aan saamayn ku yeelanin ciyaartii final-ka CL.

Soccer Football – La Liga Santander – Real Madrid vs Las Palmas – Santiago Bernabeu, Madrid, Spain – November 5, 2017 Real Madrid’s Cristiano Ronaldo reacts REUTERS/Sergio Perez

Hadalsame Media