Nick Jonas oo isagoo adeegsanaya Internet-ka guur ka dalbaday Priyanka Chopra – Maxayse ku jawaabtay?

0

Inkastoo labadaan xiddig ee Priyanka Chopra iyo Nick Jonas midkoodana uusan Saxaafadda la wadaagin inuu xiriir kala dhexeeyo kan kale, haddana waxaa la isla dhexmarayay muddooyinkii dhawaa in xiriir uu ka dhexeeyo Nick iyo Priyanka.

Todobaad ka hor ayey Saxaafadda Hollywood-ku shaaca ka qaaday in Atariishada Priyanka Chopra iyo Fanaankan caanka ah ee Nick Jonas uu xiriir ka dhexeeyo.

Laakiin Fanaanka Nick Jonas ayaa hal mar dadka ka yaabsaday isticmaala baraha bulshada kaddib markii uu Instagram-ka guur kaga dalbaday atariishada caanka ah ee Priyanka Chopra.

Markii uu Nick guurka ka dalbaday Priyanka Chopra, waxaa sidoo kale warbaahinta xiriirka bulshada ee dhinaca Internet-ka qaatay jawaabtii ay bixisay gabadhan lagu magacaabo PeeCee.

Isagoo Faallo (Comment) ka bixinayey sawirkeeda oo ay Priyanka Chopra soo dhigtay Instagram-ka ayuu yiri: “Mujhse Shaadi Karogi?” oo macneheedu yahay ma i guursanaysaa.

Atariishadan Priyanka Chopra ayaa durbadiiba qoraalkaas ka jawaabtay oo dhankeeda soo qortay: “Haa”.

Dhinaca kale waxaa la arkay Priyanka Chopra oo dhowr mar sawirro uu soo dhigay Nick bartiisa Instagram-kiisa (Like) saareysa, islamarkaana ka dhiibaysa faallo sawir emoji ah oo jaceyl iyo dab ah.

Illaa iyo hadda lama garanayo haddii labadaan lammaane ay ku talo-gal sameeyeen arrintaan iyo inay dhab ka tagay oo ay guur ku heshiiyeen, laakiin dhammaan taageerayaasha labadaan shaqsi ee magaca leh ayaa rajaynaya inay is-guursadaan.

Hadalsame Media