DHEGEYSO: Xaashi Cumar oo Hadalsame uga warramay rafcaanka magdhowgii loo xukumay, halka ay haatan wax marayaan & inay jirto cid daba socota sunta lagu daadiyo xeebaha Somalia

0

(Gothenburg) 07 Juun 2018 – Xaashi Cumar Xasan oo ah wiil Soomaaliyeed oo muddo 19 sano ah ku xirnaa dalka Talyaaniga ayaa la soo daayay, ka dib markii lagu eedeeyey inuu ka qayb qaatay dil magaalada Muqdisho sanadkii 1994-kii loogu gaystey gabar weriye ahayd oo la dhihi jirey Ilaria Alpi una shaqaynaysay Telefishinka RAI ee dalka Talyaaniga iyo sawir qaadeheedii.

Xaashi Cumar ayaa maxkamad ku taal magaalada Perugia ee dalka Talyaaniga, waxay xukuntay inaanu wax dambi ah lahayn isla markaana uu xaq u leeyahay in uu xoriyadiisa si buuxda u helo. Ilaria Alpi ayaa tagtay magaalada Boosaaso ka dibna waxay timid magaalada Muqdisho halkaasi oo lagu dilay Maarso 20, 1994-kii.

Gabadha wariyaha ah ayaa Soomaaliya u tagtay si ay baaritaanno ugu sameeyso  eedeymaha sheegaya in shirkaddo laga leeyahay dalka Talyaaniga ay qayb ka ahaayeen haraaga sunta oo lagu shubay xeebaha Soomaaliya iyo hub laga iibiyey hogaamiye kooxeedyadii Soomaaliya hortaantii sagaashameeyadii.

Haddaba Xaashi Cumar Xasan oo sida muuqata loo xirey in lagula saantirto dembiga dhacay ayaa haatan loo xukumay magdhow gaaraya 3 milyan oo euro, maaddaama lagu waayay dembigii uu u xirnaa rubuc-qarni ku dhowaadka, warsidaha Hadalsame ayaana waydiiyay halka ay wax haatan u marayaan.

 

Hadalsame Media