”Sax bay ahayd inaan diidno la ciyaarista Israel” – Gonzalo Higuain

0

(Tel Aviv) 06 Juun 2018 – Qannaaska kooxda Juventus ee Gonzalo Higuain ayaa rumaysan “in ay sax ahayd” diidmada Argentina ee ku wajahan inaysan kulab sxbtinnimo la ciyaarin Israel.

Xalay unbay arrintani soo baxday, kaddib markii ay xiddigaha xulka Albiceleste gebi ahaanba baabi’iyeen ciyaar iskululays ahayd oo ay Yuhuudda la dheeli lahaayeen, maaddaama aysan laacibiinta iyo xitaa Jorge Sampaoli aanu midkoodna doonayn inay la ciyaaraan.

Waxaa horay u jirey mudaaharaadyo looga horjeedet qabsoomidda ciyaartan iyo xitaa hanjabaado gacan ka hadal ah oo loo jeedinayay laacibiinta, taasoo salka ku haysa xaaladda cakiran ee Gaza.

“Sax bay ahayd inaynaan aadin. Ugu dambayn sidii saxda ahayd baa la yeelay, badbaadada iyo sida wanaagsan ayaana muhim ah,” ayuu Higuain u sheegay Clarin.

 

Hadalsame Media