RASMI: Supercoppa Italiana oo la xaqiijiyay in lagu qabanayo Sucuudiga

0

(Roma) 06 Juun 2018 – Waaxda Ciyaaraha Guud ugu qaybsan Saudi Arabia ayaa xaqiijisay inuu dalkaasi martigelinayo dufcadda soo aaddan ee Supercoppa Italiana oo dhexmaraysa Juventus iyo AC Milan inta u dhaxaysa 12-16 Jannaayo 2019.

Hay’adda General Sports Authority (GSA) ayaa warkan ku xaqiijisay koontada ay ku leedahay Twitter-ka, iyadoo ay la yaab lahayd inay ku tilmaameen ‘Serie A Final’ halkii ay ahayd Supercoppa oo aalaaba u dhaxaysa kooxaha kala haysta Scudetto iyo Coppa Italia, balse markan ay socoto Milan oo kaalinta 2-aad ka gashay Koobka Talyaaniga.


Heshiiska dhexmaray Saudi Arabia iyo Lega Serie A is ayaa ku kacaya €7m, kaasoo ay min 45 boqolkiiba oo ka dhigan 3.15 milyan oo euro ay kala qaadanayaan labada kooxood ee  Juve iyo Milan halka 10% ay qaadanayso hay’adda Lega.

Waa markii 10-aad ee koobkan lagu ciyaaro dibedda Talyaaniga, iyadoo horay loogusoo dheeley Washington 1993, Tripoli 2002, New York 2003, Beijing 3-dii dufcadood 2009, 2011 e 2012, Dooxa laba jeer (2014 iyo 2016) iyo Shanghai 2015.


Hadalsame Media