Qof madax raadinaya haddii aad aragto xaqiisii ayaa maqan!

0

(Hadalsame) 06 Juun 2018 – Cumar Binu khidaab (RC) Hoggaamiyihii Muslimiinta (Amiirkii Muuminiinta) ayaa isagoo maalin kaligii ah la waydiiyay aaway ciidankaagii ilaalada ama gaarka kuu ahaa iyo dadweynaha danta kaa lahaa ee xarumaha madaxda u talisa hor tubnaan jirey,markasuu ku jawaabay:”Dadku madaxda maraadinayaane xaqooda ayay raadinayaan, anna xaqoodii baan siiyay sidaas baanan ciidan i ilaaliya ugu baahneyn dadkuna aysan ii raadineyn.”

Xigmadan waxaan walaal ka qaadan karnaa in qofka madaxda ah markuu u cadaalad falo ummadda uu xukumo oo xaqoodu uu siiyo in uusan u baahneyn gawaari labaatan ka badan oo tikniko ah iyo ilaaliyeyaal tiro badan oo daba yaaca iyo dadka raadinaya oo xafiiskiisa buux dhaafiya.

ILLAAHAY soomaaliya ha u keeno hogaamiye u cadaalad fala, wadani ah oo xoolaha ummadda aan boobin, qabyaalad ku dhaqanka ka fog ummadda mideeya, dadka jilicsan ee masaakiinta ahna u naxariista oo si gaar ah wax u tara.

Hadalsame Media