Ka bogo jilayaasha & dadka caanka ah ee qaatay diinta Islaamka! (Qaybtii 4-aad)

0

(Mumbai) 06 Juun 2018 – Dalka Hindiya waa dalka dunida ugu diimaha badan iyo halka ay ku aasaasmeen diimo badan oo haatan dunida looga dhaqmo oo ay ka mid yihiin Hinduism, Buddhism, Sikhism iwm. Haddaba aannu sii dhiraandhirinno sheekada qaybteeda 4-aad.

AMRITA SINGH: Jilaayadda Bollywood ee Amrita Singh ayaa ka dhalatay qoys kala haysta diimaha Sikhs iyo Islaamka. Waxayna jilliinka bilowday Bollywood bilowday 1983-kii, iyadoo keentay aflaamta caanka ah ee hit-ka noqday sida Sunny, Mard iyo Saaheb.

Amrita, oo ku dhaqmi jirtey diinta Sikhism-ka tan iyo dhalashadeedii, waxay qaadatay diinta Islaamka kahor guurkeedii Saif Ali Khan, oo Muslim ah. Waxay is fureen 2004 kaddib 13 sano oo ay is qabeen. Yeelkeede, xaaska Saif ee haatan Kareena Kapoor Khan, ma qaadannin diinta Islam-ka.

MAMTA KULKARNI: Waa jilaayad caan ka ahayd Bollywood sagaashameeyadii, Mamta Kulkrani waxay qoor qooraysatay diinta Islaamka xilliyo ay ku jirtey xaalad adag oo iyada iyo ninkeeda lagu qabtay koontarobaan iyagoo maraya garoonka dayuuradaha caalamiga ah ee Dubai.

DHAMAAD…..

Hadalsame Media