ASKAR IS ERYANAYSA: Booliiska Maraykanka oo erayanaya askari taangi kula dhex fakaday bartamaha magaalada!

0

(Nottoway County) 06 Juun 2018 – Saraakiisha booliiska gobolka Virginia State Police ayaa indhohooda rumaysan waayay kaddib markii loosoo yeeray si ay usoo qabtaan wax u eg gaari gaashaaman oo ay ciidamadu leeyihiin oo jid-waynaha ordaya.

Waxaa markii hore xitaa la mooday bilowga afgembi millateri balse waxaa markii dambe soo baxday inuu gaarigu yahay taangi laga leeyahay xerada Fort Pickett, kaasoo ku socdey xawaare dhan 40 mayl saacadiiba.

Booliiska ayaa gaariga soo qabtay markii uu jaray 60 mayl oo u dhaxaysa Nottoway County, oo u dhow Fort Pickett oo taangiga laga soo xaday iyo Richmond, oo uu taangigan oo ah nooca Toowgu uu istaagey abaarihii 9.40pm xilliga maxalliga ah. Wax dhaawac ihi ma dhicin intii gaarigan la eryanayay.

Askariga taangiga la ordayay ayaa iskii u istaagey faras-magaalaha, isagoo ag istaagey Isbitaalka Carruurta Richmond, lamana oga inuu saliid goostay iyo in kale.


Hadalsame Media