”Yaa iska leh kooxda AC Milan” – Milkiyadda Milan oo lagu muransan yahay!

0

(Milano) 05 Juun 2018 – Barnaamij dabagal ah ayaa taagey su’aalo ku saabsan la wareegitaanka AC Milan uu ku iibsadey Yonghong Li, iyadoo uu ganacsadahan Chinese-ka ihi uu kooxda ka iibsadey Silvio Berlusconi i13-kii Abril 2017 isagoo ka bixiyay €740m, balse €303m lacagtaa ka mid ah wuxuu kasoo amaahday hay’ad Maraykan ah oo la yiraahdo Elliott Management, waxaana la socota dulsaar aad u badan oo ah 11 boqolkiiba.

UEFA Aayaa diidmadeeda heshiiska xeer-jajabka ee Financial Fair Play u adeegsatey inaysan hubin iskuna halleeyn karin awoodda dhaqaale ee Yonghong Li oo ay sheegeen inuusan bixin karin lacagta Elliot oo laga rabo bisha Oktoobar 2018.

Rai 3 ayaa haatan baahiyay barnaamij dabagal ah oo soconaya 21-daqiiqo kaasoo su’aalo gelinaya fayaqabka dhaqaale ee iibsiga AC Milan oo ay sheegeen inay gacan ku leeyihiin dad is qarinaya.

Waxay warbixintu soo qaadanaysaa in lacagaha lagu iibsaday kooxdu ay soo wada mareen koontooyin iyo shirkado ku yaalla Luxembourg, the Cayman Islands, British Virgin Islands iyo Guernsey, kuwaasoo ah meelo laga ogol yahay in la qariyo xogta ku saabsan cidda lacagta soo dirtay sida uu qabo nin ku takhasusay arrimaha lacag-dhaqitaanka Gian Gaetano Bellavia.

Carlo Festa, oo ka shaqeeya warsidaha dhaqaalaha ka faallooda ee Il Sole 24 Ore, ayaa aragtidaa ku raacsan, waxayna sheegayaan in ay jiraan ashkhaas iyo sharikaad ku kala sugan New York, London iyo Talyaaniga sida Napoli oo howshan wadey balse ilaa haatan diiddan inay ka hadlaan arrintaan.

Cidda kali ah ee ugu dambayn arrintan kala caddayn  kartaana waa Silvio Berlusconi oo taageerayaasha u sheegay inay kooxda ku wareejiyay ”gacmo aamin ah oo halkeedii meel ka wanaagsan u jiheeynaya”, dadka qaar baa aaminsan inuu laftiisu weli kooxda leeyahay ama wax ku leeyahay balse uu saantiranayo.

Haddii uu Yonghong Li qaantaa bixin waayo waxaa maamulka kooxda si otomatik ah ula wareegaysa Elliott Management taasoo ka dhigan inay ku milkineeyso kala bar ka yar lacagtii lagu iibsadey.

 

Hadalsame Media