WAA NALA DHACAY: Taageerayaasha Liverpool oo dalbanaya in lagu celiyo final-ka CL! kaddib xaqiijinta dhaawaca Karius

0

(Liverpool) 05 Juun 2018 – Taageerayaasha Liverpool ayaa dalbanaya in lagu celiyo ciyaartii dhamaadka Champions League ee ay 3-1 ku dhufatay kooxda Real Madrid kaddib markii ay soo baxday in ay jug xumi madaxa ka gaartey Loris Karius kaddib markii uu xusul u qariyay Sergio Ramos.

Karius ayaa khalad cad ku lahaa goolasha 1-aad iyo 3-aad oo ay kala dhaliyeen Karim Benzema iyo Gareth Bale, yeelkeede, dhakhaatiirta Massachusetts General Hospital, oo baaritaan ku sameeyay Karius ayaa xaqiijiyey in laacibka ay madaxa jug xumi ka gaartey, taasoo keentay inuu marar badan indha madoobaadey.

“Waxaa jirtey cillado ku yimid aragtidiisa, waana mid laga yaabo inay sabab u ahayd khaladaadka uu galay.” ayay yiraahdeen dhakhaatiirtu.

Haatan, taageerayaasha Liverpool oo awal horay u saxiixay barwo lagu dacwaynayo Ramos oo aan weli wax tillaabo ah laga qaadin ayaa dalbanaya in lagu celiyo ciyaartii dhamaadka CL.

“Dear Champions League waxaan dalbanaynaa ku celis. Salaan LFC.” ayuu midkood soo qoray.

 

Hadalsame Media