Google iyo Facebook oo ay godadkooda biyo ugusoo galeen! (Maxaa lagu haystaa?)

0

(Seattle) 05 Juun 2018 – Camaaliqooyinka Silicon Valley ee ugu xoogga badan dhanka baraha bulshada ee Google iyo Facebook ayaa dacwad ay uga bixi karto malaayiin doollar ka wajahaya gobolka Washington ee Woqooyi Galbeed Maraykanka.

Dacwaddan oo laba qaybood ah ayaa laga xareeyay magaalada Seattle, ee caasimadda Washington State, iyadoo lagu haysto inay adeeci waayeen xeerarka maxalliga ah ee u degsan iidhehyada loo sameeyo doorashooyinka.

Xeer Ilaaliya Guud ee gobolka Bob Ferguson ayaa sidaa darteed dacwo kusoo oogey Facebook iyo Google isagoo u haysta inaysan soo gudbinin wax dokumenti ah oo caddeeynaya inay ixtiraameen hab-raaca u degsan doorashooyinka degaanka iyo kuwa heerk gobol tan iyo 2013-kii.

Sida uu ku doodayo Ferguson, waxaa iidhehdaa aanu gobolku ogayn lagu kala qaatay $4.6 milyan oo doollar oo la siiyay Facebook iyo Google tan iyo 2008, iyadoo Facebook oo qura la marsiiyay 650 iidheh siyaasadeed doorashadii dowladda hoose ee Seattle ka dhacday 2016-kii.

Ferguson ayaa aaminsan inuu cashar bari karo camaaliqooyinkan dhanka tiknolojiyadda, isagoo 2016 horay uga guulaystay Grocery Manufacturers Association oo uu ka helay lacag ganaax ah oo gaaraysay $18 milyan oo noqotay lacagtii ugu badnayd ee abid ganaax looga qaado dad olole maalgeliyay.

Hadalsame Media