DAAWO: ”Sucuudi fasax ugama rabno iibsiga hub aannu isku difaacno” – Qadar oo u jawaabtey Sucuudiga!

0

(Dooxa) 05 Juun 2018 – Wasiirka Arrimaha Dibedda Qadar ayaa ka jawaabey hanjabaadda lagasoo sheegay Sucuudiga oo laye tillaabo millateri ugu hanjabey Dooxa haddii ay soo iibsato hannaanka daafaca hawada ee Ruush sameega ah ee S-400, isagoo sheegay inay yihiin dal xor oo go’aansan kara wixii ay gadanayaan.

“Soo iibsiga wax kasta oo agab millateri ah waa go’aan madax bannaan oo aanu dal kale waxba ku lahayn,” ayuu yiri Mohammed bin Abdulrahman Al Thani oo la hadlayay Al Jazeera oo ay isla Qadar leedahay, isagoo sheegay in cadaadis kasta oo qalaad uu meel ka dhac ku yahay xeerka caalamiga ah.

Al Thani ayaa ka jawaabayay warqad la sheegay in uu Boqorka Sucuudigu u qoray Madaxwaynaha Faransiiska ee Emmanuel Macron, taasoo sida uu qoray warsidaha Le Monde uu ku hanjabayo inuu weerari doono Qadar haddii ay soo iibsato hannaankan daafaca gantaalaha dhul-ka-cirka ah ee S-400, kuwaasoo uu sheegay inay halis ku yihiin “amaanka qaranka” dalkiisa Sucuudiga iyo dalalka kale ee Gacanka.


Dooxa ayaa sheegtay haatan in aanu warkaasi wax saamayn ah ku yeelan doonin go’aanka ay kusoo iibsanayaan hubkaasi “Qadar waxay eegi doontaa dhamaanba dookhyada ay heli karto iyo hubka ugu tayada wanaagsan si aannu u difaacno dalkeenna,” ayuu hoosta ka xarriiqay WAD Qadar.

Hadalsame Media