AC MILAN VS JUVENTUS: Supercoppa-ha Talyaaniga oo lagu wado in lagu qabto Sucuudiga (Goorma?)

0

(Roma) 05 Juun 2018 – Hay’adda maamusha horyaalka Talyaaniga ee Lega Serie A ayaa maanta go’aan ka qaadan doonta madasha lagu dhigayo Supercoppa Italiana oo u dhexeeya Juventus iyo AC Milan, iyadoo ay u badan tahay in lagu qabto Saudi Arabia.

Kooxda Bianconeri ayaa ku wada guulaysatey Serie A iyo Coppa Italia, sidaa darteed kooxdii ay uga badiyeen final-ka Coppa Italia ayaa la dheelaysa Super Cup-ka, waana markii 2-aad oo ay Milan is wajahayaan muddo 2 sano gudohood ah.

Sida uu qorayo calciomercato.com waxaa loo badinayaa in kulankaa la qabto bisha Jannaayo, iyadoo lagu dheeli doono Saudi Arabia, oo ay haatan kula jiraan wada hadal meel wanaagsan maraya.

Heshiiska ayaa ku kacaya €7m oo euro, kaasoo ay min 45 boqolkiiba qaadanayaan labada naadi, halka 10 boqolkiiba soo hartay ay leedahay Lega Serie A.

Hadalsame Media