RASMI: Mohamed Salah oo lagu daray 23-ka xiddig ee xulka qaranka Masar uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018

0

Waxaa la shaaciyey xiddigaha kama dambeysta ah oo xulka qaranka Masar uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018 ee bartamaha bisha ka furmi doona dalka Ruushka.

Liiska 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Masar uga qeyb gali doona Koobka Adduunyada waxaa lagu daray Mohamed Salah oo dhaawacan.

Weeraryahanka kooxda Liverpool ee Mo Salah ayaa garabka ka dhaawacmay kulankii Final-ka Champions League, waxaana laga qabsi qabay inuu seego dhacdada ugu weyn kubadda cagta, laakiin waxaa hadda la xaqiiyey in lagu daray xulashada kama dambeysta ah ee xulka Masar.

Salah waxaa liiskan ku wehliya xiddigaha kale eek a dheela Premier League sida  Ahmed Elmohamady, Mohamed Elneny iyo Ramadan Sobhi.

Haddaba halkaan hoose ka eeg 23-ka ciyaaryahan ee xulka qaranka Egypt ama Masar uga qeyb galaya Koobka Adduunka 2018:-

Goolhayeyaasha: Essam El Hadary (Al Taawoun), Mohamed El-Shennawy (Al Ahly), Sherif Ekramy (Al Ahly).

Difaacyada: Ahmed Fathi, Saad Samir, Ayman Ashraf (all Al Ahly), Mahmoud Hamdy (Zamalek), Mohamed Abdel-Shafy (Al Fateh), Ahmed Hegazi (West Brom), Ali Gabr (Zamalek), Ahmed Elmohamady (Aston Villa), Omar Gaber (Los Angeles FC).

Khadka Dhexe: Tarek Hamed, (Zamalek), Shikabala (Zamalek), Abdallah Said (Al Ahli), Sam Morsy (Wigan Athletic), Mohamed Elneny (Arsenal), Mahmoud Kahraba (Al Ittihad), Ramadan Sobhi (Stoke City), Mahmoud Hassan (Kasimpasa), Amr Warda (Atromitos Athens).

Weerarka: Marwan Mohsen (Al Ahly), Mohamed Salah (Liverpool).

Hadalsame Media