Mareykanka oo howgalo ka fuliyey deegaanadda Puntland

0

(4 june- 2018) Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in iyadoo la shaqeyneysa dowladda Soomaaliya ay duqeymo ka geeysteen goob ku taala duleedka magaalada Boosaaso.

Taliska ciidamada Mareykanka ee qeybtiisa Afrika (AFRICOM) qoraal ay soo saareen ku sheegeen in weerarkaas ay ku dileen dagaalyahano katirsan kooxda Alshabab.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in aannu qasaaro kasoo gaarin rayidka. Mareykanka ayaa dhinaca kale sheegay in siiwadayaan talaabooyin ka dhan ah kooxdaas si loo ilaaliyo danaha Mareykanka ee gobolka. Ugu dambeyntiina howlgalkan ayaa la sheegay in lala kaashanayo ama lugula midoobayo ciidammadda soomaalida iyo Amisom si looga hortago weerarada kooxahan lana bur buryo goobaha ay ku tababartaan.

Hadalsame