Doqoni calaf ma leh! (Sheeko micne leh)

0

(Hadsame Media) 04 Juun 2018 – Oday Soomaaliyeed oo horey uga mid ahaa masuuliyiinta sare ee Wasaaradda Waxbashada dalka Soomaaliya mar wuxuu igu yiri ” Wasaarada Waxbarasha Soomaaliya waxaa la oran jiray Wasaarada waxbarashada iyo barbaarinta, bar-baarinta waxaan ka wadnay tarbiyad, hadeeysan ilmaha waxbarashadooda ay la soconin tarbiyad waxaa hubaal ah inaysan aqoontaas aysan barito waxba u tareeynin ilmahaas, tasoo ka dhigeeysa inuu ilmahaas asagana wax istarin, ehelkiisa wax tarani, dalkisa wax tarin.

Cilmi baaris laga sameeyay dhanka barbaarinta ilmaha waxaa lagu ogaaday in Ilmaha habdhaqabka barbaarintooda maskixiyan (infuence) inta badan ayku yeeshaan mushtamaca ayku nool yihiin oo ayka badan tahay mida waalidka. Marka reerka ayku yeeshaan barbaarinta Ilmaha 30% infuence in meesha uu ku barbaaraayo waxay ku yaalanayaan 55% infuence, taasi waxay ku tuseeysaa in qofka uu xukumo meesha uu ku barbaaray iyo mushtamaca uu la nool yahay.

”Qofna ma yaqaanno milkiilaha dhabta ah”

Waxaa nasiib daro ah in dalkeena Soomaaliya in mushtamacii barito lagu barbaarinaayo in maalmaha ciida ah loo iibsho gabar iyo wiilba qoryaha wax gumaada sida AK 47 toy gun. Diinteena Islaamka wuxuu Ilaah swt ku yiri quraankiisa, qofkii naf gooyo wuxuu la mid yahay mid dilay dadkoo dhan, anagoo wada og dhibka iyo burburka uu hubka dalkeena iyo dadkiisa u geestay, sedee baan ilmaheena ugu barbaarin karnaa hub iyo inay wax dilaan? Marka uu qoriga ay ilmaha ku cayaarayaan waxaa afkooda ka soo baxaayo waan ku dilay iyo waad dhimatay ama bum bum.

Waxaan waalidka Soomaaliyeed u sheegayaa inay ilmahooda ka ilaalsadaan oo aan loo gadin balaastica xun ee cudurka wadata waayo waxaa laga sameeyaa balaastic aad u xun. Ganacsata Soomaaliyeed ee dalka keena hubka ilmaha ee balaastigada ah waxaan xasuusinayaa inay masuuliyad idinka saaran tahay barbaarinta mushatamaca barito ee Soomaaliyeed.

Qore: Sheekh Nuur Abuukar Qaasim

 

 

Hadalsame Media