DAAWO: Waa sidee xaalku marka kubad lagu ciyaaro meel aan cufis-jiidad lahayn sida hawada sare? (Cir-bixiyeenno wacdaro dhigay)

0

(Saldhigga ISS) 04 Juun 2018 – 3 Cir-bixiyeen oo caalami ah ayaa shalay dib ugusoo laabtay saldhigga uu Ruushku ku leeyahay Kazakhstan iyagoo saaran kaabsolka Soyuz.

Cir-bixiyeennadan oo kala ah Anton Shkaplerov oo Ruush ah, dhiggiisa NASA Scott D. Tingle oo u dhashay Maraykanka, iyo Norishige Kanai oo Japanese ah ayaa dhulka kusoo noqday kaddib markii ay soo dhameeyeen howl ay u jireen Saldhigga Caalamiga ah ee ISS.

Intii ay halkaa joogeenna dabcan marka laga soo tago shaqadooda waxay sidoo kale isla qaadanayeen waqti madadaalo, sid


a iyagoo ciyaarayay kubadda cagta, Bedminton tuuranayay, in ay la kaftamaan madaxdooda, inay muusig garaacdaan ama xitaa salbayay xaaqin-danabeedka qashinka lagu nuugo.

Hoos ka daawo sida ay u sahlan tahay in kubad la ciyaaro marka aysan hawadu cufis-jiidad lahayn.

Waa Shkaplerov iyo Kanai spoke oo la kaftamaya madaxwaynayaasha Ruushka Vladimir Putin iyo Wasiirka 1-aad ee Japanese-ka Shinzo Abe oo ku sugan Kremlin-ka si ay ula wadaagaan nolosha saldhigga ISS.

Hadalsame Media