Chelsea oo €60m ku doonaysa goolwale Alisson

0

(London) 04 Juun 2018 – Kooxda Chelsea ayaa la sheegayaa inay €60m ku raadinayso goolwalaha AS Roma ee Alisson, oo la filayo inuu Brazil goolka u ilaaliyo Koobka Adduunka xagaagan, kaddib fasal uu wacdaro ka dhigay kooxda Giallorossi.

Waxaa aad loola xiriirinayay kooxaha Real Madrid iyo Liverpool, kuwaasoo la sheegayay inuu goolwale raadinayaan, yeelkeede, Pagine Romaniste, ayaa sheegaya inay kooxda beeca runta ah qabtaa ay tahay kooxda Reds kula xafiiltanta English Premier League ee Chelsea taasoo dalabkii ugu horreeyay ee rasmi ah usoo gudbisey 25-jirkan.

Waxaa la rumaysan yahay in Blues ay laacibka ku raadinayso €60m, halka ay sanadkii diyaar u tahay inay siiso €4.5m oo euro.

 

Hadalsame Media