XOG: Milkiilaha AC Milan oo ogolaaday inuu qayb iibiyo kooxda!

0

(Milano) 03 Maajo 2018 – Milkiilaha AC Milan ee Yonghong Li ayaa la sheegayaa in uu ugu dambayn ogolaaday inay maalgashadayaal kale kusoo biiraan kooxda, si loo bixiyo qaanta Elliott Management, sida ay sheegayso Mediaset Premium.

Ganacsadahan Chinese-ka ah ayay la yaab ahayd inuu Talyaaniga qarsoodi ku joogey ilaa Talaadaadii iyadoo uu iminka Milan Channel sheegay inuu maanta dib ugu duulay Hong Kong, yeelkeede, lama kulmin macallin Gennaro Gattuso ama agaasimayaasha AC Milan ee Marco Fassone iyo Massimiliano Mirabelli.

Sida ku dhigan Mediaset Premium, ujeedka safarkiisu wuxuu ahaa inuu wada xaajood ka galo sidii loo bixin lahaa €303m oo uu dulsaar wehliyo oo la siinayo sharikadda Maraykanka ah ee Elliott Management.

Balse, ilaa iminka Yonghong Li wuu ka caga jiidayay inuu aqbalo maalgashadayaal kula soo biira maamulka kooxda oo saami ka iibsada kooxda, balse haatan waxaa la sheegayaa inuu moowqifkaa beddeley oo uu saamiyo iibin doono.

Waxaa la sheegayaa inuu durba helay qof kooxda maalgashanaya, balse waa shakhsi ee sharikad maaha, balse weli xilli ku filan ma haysto waayo xukunka UEFA waxaa la sugayaa 18-20 Juun.

Hadalsame Media