WAR CUSUB: Itoobiya oo ku dhawaaqday inay dhisanayso ciidamo badeed (Halkee bad u ah?)

0

(Adis Abeba) 03 Juun 2018 – Dalka aan badda lahayn ee Itoobiya ayaa qorsheeynaysa inay dhisato ciidamo xooggan oo dhanka badda sida uu ka dhawaajiyay Raysal Wasaaraha Itoobiya ee Abiy Ahmed oo la hadlayay madaxa Ciidamada Difaaca Qaranka dalkaasi.

“Annagoo raacayna qorshaha lagu xoojinayo ciidamada Difaaca Qaranka, waxaan dhisannay ciidamo ka mid ah kuwa ugu adag Afrika cir iyo dhul,” sida ay baahisay Fana Broadcasting Corp. “Waa in aan dhisnaa awood ciidan oo dhanka badda mustaqbalka.” ayuu daba dhigay.

Itoobiya ayaa haatan leh Machad rayid ah oo lagu barto culuunta badaha oo ku taalla Lake Tana. Waxay sanad kasta tababartaa 500 oo ah injineerrada badaha iyadoo qoondaysay inay sanadkii kordhiso oo gaarsiiso 1,000 injinneer badeed (marine engineers), sida uu webku sheegay.

Dowladda Abiy ayaa horraanba saamayn ku leh gobolka iyadoo Suudaan kula heshiisey inay maalgashato dekedda Port Sudan ee Badda Cas, sidoo kalena Jabuuti la meel dhigtay inay saamiyo ka iibsato dekedaha, dayuuradaha rayidka iyo isgaarsiinta dalkaasi ee ay dowladda Jabuuti gacanta ku hayso.

Waxay sidoo kale Kenya kula heshiisey in ay dhul ka iibsato dekedda Lamu Port “si saanadda loogu fududeeyo,” dalkiisa sida uu qabo warmurtiyeed wada jir ah oo ay soo wada saareen Dr Abiy iyo madaxwaynaha Kenya ee Uhuru Kenyatta.

Horraantii sanadkan, Ethiopia waxay sidoo kale saami ka qaadatay dekedda Berbera ee Somaliland, oo ah gobol sheegta inuu ka go’ay, taasoo muran badan ka dhex oogtey Somalia iyo Imaaraadka Carabta oo qorshahan soo dhisay.

Hadalsame Media