Ronaldo oo xushay 11-ka laacib ee abid ugu wanaagsanaa kubadda cagta!

0

(Brasilia) 03 Juun 2018 – Laacibkii waynaa ee Ronaldo Nazario ayaa xushay 11-ka laacib ee uu rumaysan yahay inay yihiin kuwa ugu fiicnaa abid isagoo ku xusay in badan xiddigihii Talyaaniga ka dheeli jirtey waayihiisii Inter.

Sida uu Twitter ku faafiyay Footy Room, laacibkii hore ee Inter, Real iyo Milan ayaa weerarka waxaa garabkiisa buuxinaya arbihii kubadda cagta ee Pelé.

Inta kale, goolka waxaa ku jira Buffon, daafaca waa Cafu, Maldini, Cannavaro iyo Roberto Carlos, khadka dhexe waa Pirlo, Messi, Maradona iyo Zidane. Waxaa safka laga tebayaa rag badan sida Cristiano Ronaldo, Ronaldinho iwm. Shaxduna waa 4-4-2.


 

Hadalsame Media