RASMI: Samuel Umtiti oo go’aan ka gaaray Mustaqbalkiisa – Miyuu sii joogayaa Barcelona mise waxa uu ku biirayaa Man Utd?

0

Difaaca reer France ee Samuel Umtiti ayaa soo gabagabeeyey wararkii la isla dhexmarayey suuqa ee sheegayay inuu ka tagayo kooxdiisa, waxaana uu ogolaaday inuu heshiis cusub oo shan sanadood ah qalinka ugu duugo kooxda Barcelona.

24-sano jirkaan ayaa si weyn loola xiriirinayey kooxda Manchester United bilihii la soo dhaafay, maadaama qandaraaskiisa lagu burburin karay 52 milyan oo gini.

Umtiti ayaa garonka Camp Nou yimid sanadkii 2016-kii, markaasoo uu ka soo tagay naadiga Lyon, waxaana uu haystaa booskiisa joogtada ah ee kooxda reer Catalan, waxaana uu go’aansaday difaacaan dhexe  inuu iska sii joogo kooxdiisa reer Spain.

Todobaadkii la soo dhaafay ayey ahayd markii uu xiddigani sheegay inuu mustaqbalkiisa go’aan doono ka hor koobka Adduunka, Umtiti ayaana haatan si rasmi ah heshiis cusub ula gaaray kooxdiisa Barcelona.

“Barcelona iyo ciyaaryahan Samuel Umtiti waxay wada gaareen heshiis kordhin cusub, taasoo ka dhigan in labada dhinaca ay sii wada joogaan shanta xilli ciyaareed ee soo socota” ayuu u dhignaa bayaan la soo dhigay Website-ka kooxda ku guuleysatay La Liga.

“Waxaa heshiiska lagu saxiixi doonaa garoonka Camp Nou Maalinta Isniinta ah 10:00 subaxnimo, markaasoo ciyaaryahanka uu la hadli doono Warbaahinta, waa war cajiib ah oo ku wajahan taageerayaasha Barcelona, Samuel Umtiti waxa uu sii wadi doonaa xirashada maaliyadda Cule illaa laga gaaro sanadka 2023-ka.”

Samuel Umtiti  ayaa 79 kulan u saftay Barcelona 50 ka mid ah kulamadaas ayuuna u ciyaaray horyaalka La Liga.

Hadalsame