”North Korea cunaqabataynta lagama khafiifinayo ilaa ay iska dhigto hubka nukliyeerka” – Wasiirka Gaashaandhigga Maraykanka!

0

(Singapore) 04 Juun 2018 – Pyongyang waa inay muujisaa tillaabooyin cad cad oo ku wajahan geeddi socodka ay iskaga dhigayso hubka nukliyeerka, kahor inta aan la khafiifinin cunaqabataynta saaran, ayuu soo jeediyay Xoghayaha Daafaca Maraykanka ee James Mattis oo hadlayay kahor wada hadalka aadka loo dhowrayo ee Maraykanka iyo North Korea.

“Waxaannu sii wadi doonnaa dhaqangelinta dhamaanba qaraarradii Golaha Amaanka ee QM ee ku foogganaa North Korea. North Korea waxaa kaliya cunaqabataynta laga khafiifin doonaa marka ay qaaddo tillaabooyin aan dib looga noqon karin lana hubin karo oo ku aaddan iska dhigista hubka nukliyeerka,” ayuu Mattis goor dhowayd ka sheegay Singapore.

Warkan wuxuu ka sheegay kulan uu la lahaa wasiirrada gaashaandhigga dalalka South Korea iyo Japan ee Itsunori Onodera iyo Song Young-moo, oo uu shir-doceed kula yeeshay iyagoo ka qayb gelaya shir madaxeedka Amaanka Aasiya ee loo yaqaanno Shangri-La Dialogue. Waana markii ugu horreeysey tan iyo Oktoobar ee ay kulmaan 3-dan wasiir gaashaandhig.

“Waxaan ugu yaraan filaynaa inay wada xaajoodyadu raaci doonaan jid qarda jeex ah,” ayuu raaciyay Mattis.

Hadalsame Media