Maxaan ka baran karnaa Dr. Mahathir Maxamed? (Qalinkii: Hussain Sabrie)

0

(Kuala Lumpur) 03 Juun 2018 – Tobankii Bishii May sannadkan 2018-ka wuxuu gudiga doorashada dalka Malaysiya shaaciyay in Ra’iisul wasaarihii hore ee dalkaas Dr. Mahathir Maxamed oo ahaa Musharaxa xisbiga Isbahaysiga Mucaaradka uu ku guuleystay xilka Ra’iisulwasaaranimo, kadib doorasho adag oo uu uga adkaaday Mr. Najiib Razaaq oo ahaa Ra’iisul wasarihii hore ee dalka ahaana Mushraxa Xisbiga Barisan Nasional (BN) oo xukunka hayey in ka badan 60 sano.

Dr. Mahathir waxaa lagu ammaanaa inuu yahay Aabaha dowladnimada Malaysiya, wuxuuna xilkaan oo uu hayay muddo 22-Sano ah ka degay Sannadkii 2003-dii, kadib markii uu dalka cagta u saaray wadada horumarka.

Dr. Mahathir oo hadda 92-jir ah oo xilkaan ka degay 15-Sano kahor ayaa go’aansaday inuu dib ugusoo laabto Masraxa Siyaasadda Malaysiya, kadib markii Ra’iisul wasaarahii isaga ka dambeeyay ahna Musharaxa uu ka guuleystay Mr. Najiib Razaaq lagu soo eedeeyay Musuqmaasuq iyo in uu ku lug-lahaa fadeexad lagu lunsaday lacago Balaayiin dolar ah.

Sida ay daabacday waakaalladda wararka Reuters, Ra’iisul wasaare Mahathir oo xilka la wareegay Labo Todobaad kahor wuxuu amaray in baaritaan lagu sameeyo Afar Bilyan iyo Bar oo dolar oo Saddexdii sano ee lasoo dhaafay lagala baxay Sanduuqa Maal-gelinta Malaysiya, taas oo keentay inuu Boliisku maalin dhaweyd u dhaco guriga Ra’iisul wasaarihii hore Mr. Najiib, waxaa sidoo kale baaritaan ku socdaa 9 kamid ah Waziiradiisii, 144 ganacsato ah, 50-Garsoore iyo 200 oo Boliis ah oo lagu eedeeyay in ay ku lug-lahaayeen Musuqmaasuqa Lacagta lagu lunsaday wuxuuna dhamaantood saaray xanibaad dhanka safarka ah, wuxuuna Ra’iisul wasaare Mahathir ku guuleystay inuu 5-Maalmood gudahood qasnadda kusoo celiyay 50-Milyan oo dollar, isagoo ballan-qaaday in bisha Juun ee soo socota uu dhimi doono Canshuuraha oo Sicirbar ku sababay nolosha dalka.

Dhanka kale, Maalmo kahor wuxuu Ra’iisul wasaare Mahathir xabsiga kasii daayay Mr. Anwar Ibraahiim oo ah siyaasi caan ah oo loo arkayay hogaamiyaha Mustaqbalka, balse ay isqabteen xabsina uu dhigay Ra’iisul wasaaraha uu baaritaanku ku socdo, wuxuuna Mahathir ballan-qaaday in uu xilka ka dagi doono Labo sano gudahood taas oo usii gogol-xaareysa inuu inuu Anwar noqdo Ra’iisul wasaaraha dalka Malaysiya.

Markii uu Mahathir dalka Malaysiya Ra’iisul wasaare ka noqday 37-sano kahor wuxuu na baray sida dowlad ku jirta Caalamka Saddexaad loogu soo daro dowladaha horumaray. Markii uu dalka horumariyay wuxuu go’aansaday inuu iskiis xilka uga degay uuna fursad siiyo hogaamiye cusub.

Maantana wuxuu na barayaa sida loola dagaalamo Musuqmaasuqa iyo wax is-daba-mariska. Labo sano gudahoodna wuxuu fursad siin doonaa Anwar Ibraahiim oo uu hadda xabsi kasoo daayay, uuna aaminsanyahay in uu hagaamin karo uuna ku haleyn karo dalka iyo dadka Malaysiya.

Alle ha dhowro Dr. Mahathir Maxamed, wuxuu kamid yahay Hogaamiyeyaasha Muslimiinta ah ee aanan ka daalin aqrinta Taariikhdooda iyo Waxqabadkooda.

Fadlan Walaal adigoo Mahadsan Share dheh oo la wadaag walaalaha kale si ay u aqriyaan qoraalkan.

Qalinkii: Hussain Sabrie

Hadalsame Media