Soomaaliya: Dagaallo culus oo ka dhacay Gobolada Bari iyo Hiiraan.

0

(Muqdisho) 02 Juun 2018 – Warar badaxbanaan oo laga helay deegaanka Bali-Khadar oo ka mid ah deegaanada hoos-yimaada Magaalada Bosaaso ee xarrunta gobolka Bari ayaa sheegaya in dagaalo khasaare dhaliyey ay ku dhexmareen ciidamo ka tirsan Puntland iyo koox hubesan oo la aaminsanyahay inay ka tirsan tahay Ururka Al-Shabaab.

Koox ka tirsan Al-shabaab oo fariismo ku leh Buuraha calmadow deegaanka Galgala ayaa sheegatay weerarka lagu qaadey xalay saldhiga ciidamada ee deegaanka Bali-Khadar. Masuuliyiin ka tirsan Puntland ayaa maanta oo Sabti ah ku eedeeyey weerarkan inay qeyb ka ahaayeen sida ay sheegeen ciidamo ka tirsan Maamulka Soomaaliland.

Hadalsame, si dhab ah uma xaqiijin karo sheegashada saraakiisha Maamulka Puntland, mana jiraan wax hadal oo ka soo baxay dhanka Soomaaliland. Ugu yaraan 10 ruux oo labada dhinac ka tirsan ayaa la aaminsan yahay inay ku dhinteen dagaalka sida ay sheegeen ilo xoog-ogaal ah.

Waxaa ay ku soo beegmaysaa xili ay sii xoogeysanayaan xiisadaha colaadeed ee gobolka Sool halkaas oo ay kala sheeganayaan Maamulada Somaliland iyo Puntland .

Hiiraan

Dhinac kale Maleeshiyo ka tirsan Ururka Al-Shabaab ayaa weerar xoog leh ku qaadey deegaanka Moqokori oo ka tirsan gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya sida ay sheegayaan saraakiisha Maamulka ee dowladda Soomaaliya.

Dagaalkaan oo socday illaa xalay fiidkii  hore ayaa yimid kadib markii Maleeshiyo aad u hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ay weeraro dhawr jiho ah ku beegsadeen saldhigyada ciidamada dowladda ee deegaankaas.

Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka Moqokori, marka laga tago sheegashada labada dhinac. Al-shabaab waxay sheegtay inay qabsatey guud ahaan deegaankaasi, laakin waxaa sheegashadaasi diiday Maamulka gobolka Hiiraan ee dowlad-goboleedka Hirshabelle.

 

Hadalsame Media