‘Haddii aan saaxiibbo nahay yaynaan is hodin’ – Erdogan oo Maraykanka uga digey inay baloogaan dalabka Turkiga ee F-35

0

(Ankara) 02 Maajo 2018 – Madaxwaynaha Turkiga ee Erdogan ayaa uga digey dalka ay NATO ologga ku yihiin ee Maraykanka inuu u dhaqmo sidii dal ay yihiin jaal istaraatiji ah halkii ay dhigi lahaayeen turaanturrooyin sharci markii Turki hub ugaa baahdo Maraykanka.

Warkan ayaa daba socda qorshaha ay Maraykanku ku baloogi rabaan dalabka Ankara ee dayuuradaha casriga ah ee guuxooda ka dheereeya ee F-35.

“Waxaan leennahay haddii uu Maraykanku noo yahay jaal istaraatiji ah waa in uusan na badin inaan garaacno albaab kale,” ayuu yiri madaxwaynaha Turkish-ka ee Recep Tayyip Erdogan oo dadkiisa kala hadlayay hilinka Turkish-ka ah ee Star TV.

Turkey ayaa horay u dalbaday 100 dayuuradood oo lasoo daabuli lahaa sanadka 2019, balse aqalka senetka ee Maraykanka ayaa keenay hindise sharciyeed arrintaa lagu baloogayo iyagoo qiil ka dhiganayo in ay Ankara hoos u dhigtay heerkii wada shaqayneed ee NATO, inay hub ka dalbatay dal uu Maraykanku cunaqabateeyay kaasoo ah Ruushka iyo inay halis ku yihiin Giriigga oo isna ka tirsan NATO.

Hadalsame Media