DAAWO: Nin isu ekeeysiiyay Kim Jong Un oo 10 saacadood dhex mushaaxayay New York (Maxaa dhacay?)

0

(New York) 02 Maajo 2018 – Madaxwaynaha dalka Maraykanka la xafiiltama ee Woqooyiga Kuuriya Mr Kim Jong Un ayaan ahayn nin u safra dalal kale marka laga reebo beryihii dhowaa ee uu laba jeer tegey Shiinaha marna Koonfurta Kuuriya.

Waloow ay safarradaasi naadir ahaayeen misna nin isu ekeeysiiyay Kim Jong Un ayaa 10 saacadood dhex lugaynayay xaafadda Harlem, faras magaalaha Times Square iwm ee magaalada New York City.

Waxyaabaha la yaab lihi waa sida ay dadka uga fal celiyeen arrintaas, waxaana muuqaalka lagu arkayaa inay dadka qaar rumaysanayaanba inuu yahay KJU rasmi ah ee hoos ka dheeho muuqaalka.

 

Hadalsame Media