DAAWO: Madaxwaynaha Turkiga oo ballan qaad muhim ah u sameeyay Turkiga & dalalka xiriirka la leh!

0

(Ankara) 01 Juun 2018 – Madaxwaynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan oo sidoo kale ah horseedka xisbiga Cadaaladda iyo Horumarka (AK) ayaa soo bandhigay bayaanka doorashada dalkaasi oo dhacaysa 24-ka Juun, isagoo cinwaan uga dhigay “Baarlamanan xooggan, Dowlad xooggan, Turkey xooggan,” mar uu ka khudbadeeynayay fagaaraha Ankara Arena ee caasimadda dalkaasi.

“Ujeedka ugu wayn ee Turkey waa inaan ka mid noqonnaa dalalka ugu dakhliga badan,” ayuu yiri Erdogan, isagoo intaa ku daray in 16-kii sano ee uu talada hayey xisbigiisa AKP ay dalka Turkiga ku dareen liiska dalalka uu dakhligoodu meel dhexaadka yahay.

“Turkey ma noqon doono kaliya dal iskaga fillaada dhanka daafaca, balse wuxuu noqon doonaa mid ka mid ah dalalka dhoofiya badeecadaha iyo adeegyada ugu badan,” ayuu ballan qaaday isagoo sheegay in ay Turkigu aad u hormarinayaan kaabayaasha tiknolojiyadeed ee ay leeyihiin dhan walba.

Xiriirrada Maraykanka iyo Maraykanka

Erdogan ayaa sheegay in xisbiga AK Party in uu Turkigu doonayo inuu kordhiyo saamiga uu ku leeyahay dhaqaalaha adduunka oo haatan 1.5 boqolkiiba, isagoo tibaaxay inay xoojinayaan xiriirka ay la leeyihiin gobolka gaar ahaan EU iyo dalalka walaalaha ah ee caalamka guud ahaan oo sida uu yiri ay isla kobci doonaan.

“Waan ka gudbi doonnaa dhibaatada nagala dhexeeysa Maraykanka, waxaana eegi doonnaa qaab aannu ku joogtayno xiriirka aannu la leennahay xulufadeenna. Waxaan sidoo kale xoojin doonnaa xiriirka aannu haatan la leennahay Ruushka,” ayuu raaciyay isagoo halkaa ku muujiyay inuusan u joojin doonin Maraykanka oo arrintaa saluug ka muujinayay.

Hadalsame Media