MASHAQADA MILAN: AC Milan oo u dhaxaysa UEFA & milkiileheeda mayeeraanka ah oo dowladda Shiinuhuna hadda ku dheggan tahay!

0
David Han Li, Yonghong Li shows a AC Milan jersey during a news conference in Milan, Italy, April 14, 2017. REUTERS/Alessandro Garofalo

(Milano) 01 Juun 2018 – AC Milan aya sida lasoo werinayo Isniinta heli doonta €10m oo kaash ah oo uu soo diray milkiilaha Li Yonghong looguna tala galay biilasha kooxda, balse wuxuu cunaqabatayn ka wajahayaa dowladda Shiinaha, sida ku dhigan Calciomercato.com.

Yeelkeede, wuxuu webku ka digayaa in weli looga baahan yaay €30m oo kale dhamaadka bishan Juun, iyadoo Elliott Management, oo kooxda la wareegi karta haddii ay taasi dhici waydo, ay xaaladda si dhow ula socoto.

Waxaa intaa dheer, Corriere della Sera ayaa sheegaya in guddiga Sharciyaynta iyo Amaanka Shiinaha ee (CSRC) ay haatan soo af meereen baaritaanno ay ku samaynayeen shirkad uu lahaa Mr Li oo la yiraahdo Jie Ande, taasoo la sheegay inay musalliftey.

Warsidaha ayaa intaa ku daraya in hay’adda CSRC ay cunaqabatayn kusoo rogi doonto 48-jirkan ganacsadaha ah oo ay uga sii dartay jugtii UEFA oo haatan dartii Rossoneri uga cayrin karta Europa League.

Agaasimaha Guud ee Milan Marco Fassone oo ay wehliyeen tiro qareenno ah ayaa ku tala jira inay 7-da bishan tagaan xarunta UEFA ee Nyon si ula garramaan xiriirkan oo ay doonayaan inay kula doodaan in lakala saaro Milan iyo milkiileheeda maaddaama uu kordhay dakhliga kooxdu, balse sida saaka ku qoran New York Times UEFA ayaa durbaba sii go’aamisay in Milan laga eryo tartanka Europa League iyadoo loo cuskanayo inay ku tumatay xeerka dhaqaale wanaagga FFP.

David Han Li, Yonghong Li shows a AC Milan jersey during a news conference in Milan, Italy, April 14, 2017. REUTERS/Alessandro Garofalo

Hadalsame Media