DAAWO: Wax ka ogoow sida cajiibka ah ee ay Tokyo u maareeysay daadad fara ba’an ku hayn jirey + Sawirro

0
A river cruiser passes along the Sumida River in Tokyo, Japan. ROB GILHOOLY

(Tokyo) 31 Maajo 2018 – Dalka Japan oo ka mid ah dalalka dhanka farsamada ugu horreeya dunida aannu saaran nahay ayaa hal abuur cajiib ah ku wajahey sida loo maareeyo daadadka oo magaalooyin iyo dalal badan dhibaato ba’an oo mood iyo noolba galaafata ku haya.

5 haamood oo waawayn oo qaabka dhululubada u sameeysan, 500 oo tan iy0 6.5 km oo dusmooyin dhuleed ah ayaa ku hoos aasan caasimadda Tokyo oo ka mid ah magaalooyinka dunida ugu casrisan, sidoo kalena ka mid kuwa ugu cufan iyadoo ay 6,158 qofi ku nooshahay halkii KM oo dhinac kasta ah.

Japan oo ka kooban jasiirado tira badan ayaa leh taariikh xanuun badan marka ay timaaddo dhanka daadka, gaar ahaan 1910-kii wuxuuna 1920-kii bilaabay bullaacado iyo biyo xireenno balse waxaas oo dhami waxay noqdeen bar kuma taal.

Sanaddii 1992-kii ayaase la ansixiyay mashruuc la yiraaho Mashruuca Biyo-Bixinta Dhulka hoostiisa ee Aaga Magaalada ama Metropolitan Area Outer Underground Discharge Tunnel, oo loosoo gaabiyo “,” waxaana dhismihiisa la bilaabay isla sanadkii xigey ee 1992-kii.

Dhismaha oo la dhameeyay 2009-kii ayay haamaha shubka ah ee dhulka hoostiisa maraa waxay bullaacadaha iyo webiyada magaalada ka dejiyeen culayskii dheeraadka ahaa, waxayna biyuhu marayaan dusmooyin 10 mitir ah oo ku aasan 50 mitir dhulka hoostiisa.

Haamahan oo leh koontorool dhexe oo laga maamulo ayaa waxay biyaha ku nuugayaan turbiinno la mid ah kuwa dayuuradda Boeing 737 kuwaasoo jiidi kara 200 mitir kubbo ilbiqirsigiiba, waxayna deeto biyaha ku shubayaan badda.

A river cruiser passes along the Sumida River in Tokyo, Japan. ROB GILHOOLY

 

Hadalsame Media