RASMI: Halyeeygii Hore England Frank Lampard Oo Loo Magacaabay Xilka Tababaranimo Ee Derby County

0

Halyeeygii hore xulka England Frank Lampard ayaa loo magacaabay shaqada tababaranimo ee kooxda Derby County isagoo u saxiixay heshiis saddex sano ah, waxeyna noqoneysaa tani shaqadiisii ugu horreysay dhanka macallinimo.

Frank Lampard oo waqti badan ku qaatay Chelsea isla markaana ah kan ugu goolasha badan taariikhda kooxdaas ayaa raacay wadadii saaxiibkiisii qaranka Steven Gerrard kaas oo isna loo dhiibay dhawaan shaqada kooxda Rangers.

Lampard wuxuu doonayaa inuu kooxda Derby County soo dalacsiiyo heerka koowaad iyagoo kaalinta 6-aad ku dhameystay xilli ciyaareedkii lasoo dhaafay, sidoo kalana ku hungoobay iney Play-off kusoo baxeen maadaama ay ku baxeen gacmaha Fulham.