LAYAAB: Zinedine Zidane Oo Isaga Tagay Shaqada Real Madrid Maalmo Kadib Guushii Kiev.

0

Tababarahii Real Madrid Zinedine Zidane ayaa isaga tagay shaqada kooxda caasimadda iyadoo ay layaab noqotay inuu go’aanka ku dhashay xilli uu maalmo ka hor u qaaday koobkii 3-aad oo xiriir ah tartanka yurub.

Zidane ayaa maamulay kooxda ka dhisan caasimadda wax aan dhameyn 30-bilood isagoo la wareegay horaantii sanadkii 2016, wuxuna kooxda u hogaamiyay iney noqoto kooxdii ugu horreysay ee saddex jeer hanata koobka yurub iyo sidoo kale kooxdii ugu horreysay ee difaacata tan iyo markii magaca la bixiyay.

Zidane ayaa go’aankaan u sheegay Florentino Perez oo ah madaxweynaha kooxda Arbacadii iyadoo ay layaab ku noqotay qof walba oo ku xeeran Madrid.

 

“Waan jeclahay kooxda, waan jeclahay Madaxweynaha, wuxuu i siiyay fursad ka ciyaartoy ahaan iyo ka tababare ahaan, waana kaga mahaddinayaa” ayuu yiri Zidane oo ka hadlay shirkiisii jaraa’id ee ugu dambeeyay kooxda Los Blancos.

Sidoo kale Florentino Perez ayaa qiray iney lama filaan ku noqotay go’aana isla markaana uu ka codsaday inuu joogo balse uu ahaa go’aankiisii ugu dambeeyay