Jidka Somalia Drive ee caasimadda Libera oo isbeddel wayn lagu sameeynayo!

0

(Monrovia) 31 Maajo 2018 – “Marka la dhamaystiro Wejiga 2-aad ee dib u dhiska jidkan mashruuca dhan ee jidka waxaa lagu magacaabi doonaa Japan Freeway,” ayuu yiri madaxwaynaha Liberia ee George Weah.

Madaxwaynaha Liberia ayaa intaa raaciyay in bedelidda magaca Somalia Drive ee ku yaalla caasimadda Monrovia oo loo bixin doono Japan Freeway ay tahay qaab ay Liberia abaal ugu muujinayso Japan oo jidkan dhisaya.

Hoggaanka Liberia ayaa xarigga ka jaray wejiga 1-aad oo haatan dhamaystirnay iyadoo isla markiiba dib loo bilaabayo wejiga 2-aad ee dib u dhiska jidka Somalia Drive oo ka mid jidadka ugu caansan caasimadda Monrovia

Liberia iyo Japan ayaa kala saxiixday heshiis dib loogu dhisayo jidkan oo uu dhererkiisu yahay 13.2km oo ay dhismihiisa ku jiraan laba buundo oo casri ah oo gelaya jidka Somalia drive.

Muqdisho ayaa waxaa sidoo kale ku yaalla jid la yiraahdo Jidka Liberia ama Via Liberia taasoo ku taalla degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Jaantus muujinaya maabka jidka Somalia Drive ee dhex mara Monrovia.

Hadalsame Media